Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo ay saakay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo shaacisay arrin yaableh oo ay sameeyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, kadib markii lagu jabiyay dagaalka.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsadeen deegaankan oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen weerarka, ayna jabiyeen xubnihii soo qaaday.
“Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka ayaa saakay cadowga Khawaarijta ah ku jebiyey dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, ayuu ka dhacay howlgalka ugu culus, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay sameeyeen arrin yaableh oo ah inay meesha uga carareen maydadka xubnaha laga dilay oo isugu jiro horjoogayaal iyo iyo maleeshiyaad badan.
“Maydadka Khawaarijta ayaa daadsan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan looga laayey,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.
Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda oo ka socda qaybo badan oo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.