Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu danbeeyey Maleshiyaad ka Tirsan Leeylkase oo Gaalkacyo Dad ku laayay

Wararkii ugu danbeeyey Maleshiyaad ka Tirsan Leeylkase oo Gaalkacyo Dad ku laayay

0

Dagaal ayaa Ka dhacay Maantay Barqadii Gudaha Magaalada Gaalkacyo Dagaalkaas oo Dhaliyay khasaare isugu jira Dhimasha iyo Dhaawac.

Maleeshiyaad Ka Tirsan beesha laylkase oo Watay Sadex Gaari oo nooca Dagaalka ah ayaa Weerar ku Qaaday Kastamka magaalada Gaalkacyo Puntland.

Maleshiyaadka ayaana Sacaado kooba Lawareegay kastam Canshuraha Puntland kadib markii ay kala Cayriyeen Ciidamadii puntland oo ku Sugnaa Kastamka Canshuraha Puntland.

Maleshiyaadka Leeylkase ayaana Lasheegay inay Dileen afar kamid ahaa Ciidamada puntland kuwa kalana Dhaawacay intaas kadib Maleshiyaadkii ayaa Isaga Baxay Magaalada Gaalkacyo ayagoo u jihaystay Dhankaas iyo Goldogob oo beesha kaylkase Degto.

Maleshiyaadka Weerarka Soo Qaaday ayaa la sheegay inay ka Caraysnaayeen maleshiyaad ku Qabiil ahaa oo laga Xiray Magaalada Gaalkacyo Kadib markii ay weerareen Bewsha Sacad iyo Ciidamada Isku Dhafka ahaa.