Home Wararka Maanta Wariye ka hawl gala telefishan ku yaal London oo Gurigiisa Hortiisa lagu...

Wariye ka hawl gala telefishan ku yaal London oo Gurigiisa Hortiisa lagu tooriyeeyay

0

Weriye ka tirsan TV-ga Iran ee fadhigiisu yahay London ayaa toorri lagula dhacay bannaanka gurigiisa oo ku yaalla magaalada, sida uu sheegay telefishanka uu u shaqaynayey.

Warbaahinta Iran International, oo si weyn uga warbixisay 2022-kii mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo ee Iiraan, ayaa sheegtay in Pouria Zeraati, oo 36 jir ah, ay koox soo weerareen.

Bilayska Caasimada ayaa sheegay in saraakiisha takhasuska leh ee la dagaalanka argagixisadu ay hogaaminayeen baadhitaanka tooreynta.

Dhibbanaha ayaa isbitaalka ku sugan isaga oo miyir qaba, ciidamada ayaa intaa ku daray.

Taliye Dominic Murphy, oo ah madaxa qaybta taliska Met ee la dagaalanka argagixisada, ayaa sheegay in saraakiishu ay maskaxda ku hayaan wax kasta oo dhiirigelinaya weerarka.

Previous articleAmaanka Madaztooyada Soomaaliya isbadal Wayn lagu sameeyey kadib Weerarkii Hotel SYL
Next articleXildhibaan oo Farmaajo soo Saaray oo u Weecday Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here