Home Wararka Maanta Wasiirada Arimaha Dibeda Somalia, Masar iyo Eritrea oo kulan yeeshay

Wasiirada Arimaha Dibeda Somalia, Masar iyo Eritrea oo kulan yeeshay

0

Wasiirada Arrimaha dibada ee Dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Masar ayaa ku  kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Masuuliyintan ayaa qeyb ka ah wufuuda ka qeyb galaysa shir Madaxeedka loo dhan yahay ee golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya New York.

Wasiirada ayaa ka wada hadlay in masaalixda sadexda dal si wadajir ah looga shaqeeyo Isla markaana la ilaaliyo madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Hadal uu jeediyey Wasiirka Arrimaha dibada ee Masar ayuu ku xusay in saddexda Dal sii wadi doonaan xiriirka dhow ee wadajirka ah ee ka dhexeeya inta lagu guda jira Marxalada uu hadda Geeska Afrika marayo.

Saddexda dowladood ayaa leh isbaheysi ka dhan ah dowlada Itoobiya oo dal walba oo ka mid ah dalalkan uu kala dhexeeyo khilaafaad culus oo laga cabsi qabo inuu saameyn togan ku yeesho geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here