Labo wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ah xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ee laga soo doorto Puntland, ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen dowladda, iyaga oo ku sababeeyay khilaaf la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka iyo sida loo maamulayo dowladnimada dalka.
Mid ka mid ah wasiirrada is casilay, oo ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya Caynaashe Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in go’aankiisa uu qaatay kaddib markii uu arkay qaabka loo wado dowladnimada Soomaaliyeed, iyo sida, sida uu hadalka u dhigay, loogu ciyaaray dastuurkii lagu heshiiyay.
Wuxuu ku eedeeyay hoggaanka dowladda federaalka inay doonayaan in dastuurka dalka loo beddelo “mid hal qof taladiisa leeyahay”, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka is casilay ayaa sidoo kale sheegay in lagu xadgudbay xuquuqda xildhibaanada ka soo jeeda Puntland, isagoo xusay in loo diiday inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, isla markaana aan loo oggolaan inay u safraan deegaannadii laga soo doortay.
“Shacabka Puntland ayaa i siiyay kalsoonida aan ku fadhiyo kursigan. Qeyb kama noqon karo wax dhibaateynaya iyaga iyo dowladdooda,” ayuu yiri wasiirku, isagoo ku dhawaaqay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Dhankiisa, Xildhibaan Ismaaciil Buraale, oo ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Federaalka, ayaa isna xaqiijiyay inuu iska casilay xilkiisii.
Ismaaciil Buraale ayaa sheegay inuu si cad uga soo horjeedo habka loo wado wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay hannaan “aan loo dhammayn” oo u baahan wadatashi iyo heshiis qaran.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada ama Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan is casilaadda wasiirrada iyo eedeymaha ay u jeediyeen hoggaanka dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada laga soo doorto degaanada Puntland ayaa u kala jabay labo garab oo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Puntland, iyagoo qaarkoodna taageersan wax ka beddelka dastuurka, kuwa kalena ay kasoo horjeedaan tallaabadaas.








