Home Wararka Maanta Weerar lagu qaaday Safaarada Israel ee Denmark

Weerar lagu qaaday Safaarada Israel ee Denmark

0

Safaarado Israel ku leedahay Yurub oo la weeraray

Booliska Denmark ayaa ka warbixiyay 2 qarax oo ka dhacay meel u dhow safaaradda Israel.

Saraakiisha Booliska Denmark ayaa sheegay in laba qarax ay ka dhaceen agagaarka safaaradda Israa’iil ee magaalada Copenhagen.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu boolisku ku sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay, baaritaanna uu socdo.

Booliska ayaa xiray aagga ay qaraxyadu ka dhaceen, xilli ay booliisku wataan eeyaha iyo kooxaha dambi baarista oo baaraya goobta.

Booliska ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaraxyada iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana ay sheegeen inay aaminsan in qaraxyada lala beegsaday safaaradda.

Sidoo kale, xalay waxaa la xiray agagaarka safaarada Israa’iil ee Stockholm ka dib markii la sheegay in jug weyni laga maqlay. Booliiska ayaa markii dambe ku dhawaaqay in natiijada baaritaanka ka soo baxday goobta ay muujineyso in safaaradda ay ku dhacday rasaas, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee TT, lamana sheegin illaa hadda cid loo soo xiray labada weerar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here