Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xaalada Raaskanbooni oo Kacsan iyo Dagaal Culus oo Qarxi Raba

Xaalada Raaskanbooni oo Kacsan iyo Dagaal Culus oo Qarxi Raba

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga deegaanka Raaskambooni oo maalmihii lasoo dhaafay lagu daabulayay ciidamada dowladda.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Jubbaland ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortageyso dhaq-dhaqaaqa ay dowladda ka bilowday halkaasi, waxayna ciidamo iyo gaadiid dagaal gaysay deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose.

Daraawiishta Jubbaland ayaa doonaya inay ka hortegaan gulufka ciidamada dowladda, waxayna deegaanka ay hadda gaareen uu 40 KM u jiraa magaalada Raaskambooni.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo warinaya in xaalad adag ay ka jirto halkaasi, isla markaana la’isku hub iyo ciidan aruursanayo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemaya aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Shalay Jubbaland ayaa muddo 48 saac ah u qabatay in ciidamada dowladda ay uga baxaan gobolka, iyada oo ku goodisay haddii ay bixi waayaan inay ka qaadi doono tallaabo adag.

“Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii laga keenay talaabo adag ayaan ka qaadeynaa, dulqaadkii waa naga dhamaaday”. ayuu shalay yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland.