Home Wararka Maanta Xasan Kheyre oo Madaxweyne Xasan Shiikh ka dalbaday Raali Gelin

Xasan Kheyre oo Madaxweyne Xasan Shiikh ka dalbaday Raali Gelin

0

Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag uga falceliyay hadal shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ,oo ahaa in dhallinyarada shiidkan ka cabaneysa yihiin kuwii lacagaha ka heli jiray Al Shabaab iyo aflagaadada siyaasiyiinta.

Kheyre ayaa sheegay in dhallinyarada yihiin kuwii ka qaaday heeryadii gumeysiga ee dalka u horseeday xurriyadda iyo midnimada, lafdhabarna u ahaa hayaanka dowladnimada, waxa uuna xusay in waligood u taagnaayeen dhismaha iyo horumarka dalka.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxweynaha Dalka ku tilmaamay dhallinyarada shiidka iyo baagamuudada ka cabanaya kuwa baadda u aruuriya argagaxisada, sidoo  shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray.

”Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow. Halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray” ayuu yiri Kheyre.

Ra’isul Wasaare hore Kheyre ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, waxa uu sidoo kale kula taliyay in in uu dhageesto cabashada dhallinyarada kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here