Home Wararka Maanta Xasan Nasrullah oo ka hadlay Duqeymo uu Ururkiisa ka geestay Gudaha Dalka...

Xasan Nasrullah oo ka hadlay Duqeymo uu Ururkiisa ka geestay Gudaha Dalka Israel

0

Hoggaamiyaha ururka Xisbullah, Xasan Nasrullah ayaa saacado kaddib ka hadlay weerarkii ay saakay ku qaadeen Israa’iil, wuxuu xaqiijiyay in ka hor weerarkooda inay diyaaradaha Israa’iil soo galeen hawada Lubnaan, wuxuuse ku andacooday inan loo qaadan karin xog sirdoonka oo ka baxday iyo inay ka hortag sameeyeen ciidanka Israa’iil, taas beddelkeeda waqtiga ay qorsheeyeen inay billaaban weerarka ee salaadda subax kaddib 5:15 daqiiqo ayuu sheegay inuu weerarkooda bilowday iyadoo aysan diyaaradaha Israa’iil gaarin goobihii laga soo ridday gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Goobta ugu fog ee weerarkooda gaaray wuxuu ku sheegay saldhigga Glilot oo ah saldhigga ugu weyn ee militariga iyo sirdoonka Israa’iil oo ku yaalla meel ka baxsan Tel Aviv oo koonfurta Lubnaan u jira 100km, hadda wuxuu sheegay inay heystaan dadka Lubnaan wax ay ku nafisaan iyo inay Israa’iil qarinayso khasaaraha gaaray.

Nasrullah, wuxuu sheegay inay marar kala duwan dib u dhigeen si ay uga jawaabaan dilkii hoggaamiyahooda militari Fuaad Shukr, sababo la xiriira inay sugayeen in weerar isku mar ah oo ka yimaada dhammaan dhinacyada kooxaha ay Iran taageerto iyo wada-xaajoodyadii lagu raadinayay xabbad-joojinta Qasa, balse mar dambe si uu diidday inuu sharraxo ay go’aansadeen si iskood ah u qaadeen weerarkan oo mid hordhac ah uu ku sheegay.

Mar kale haddii ay u muuqato inay u baahanyihiin weerar kale oo aargoosi ah inay qaadaan inay sameyn doonaan ayuu sheegay, isagoo sidoo kale ballanqaaday inay sii wadayaan weerarrada ay ku taageerayaan dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here