Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo bilaabay kulamo horudhac u ah gogoshii wadataashiga ee horey...

Xasan Shiikh oo bilaabay kulamo horudhac u ah gogoshii wadataashiga ee horey uu u shaaciyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed waxaana Kulankaan uu horudhac u ahaa gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay inay qabsoomto 15ka Juun 2025.

In kastoo aan si rasmi ah Villa Soomaaliya u cadeeynin cidda rasmi ah ee tagi doonta gogoshaan, haddana waxaa muuqata durba inuu Madaxweyne Xasan Sheekh bilaabay kulamadaasi uu xusay in muhiimad ay u leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka dalka.

“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer, Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda.” ayaa lagu Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu sii wadi doono kulammada isdaba-joogga ah ee uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sii xoojiyo isu diyaarinta gogosha 15ka Bishaan June.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, sida hannaanka federaalka, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga.

Waqti hore markii uu Madaxweynaha Soomaaliya shaaciyay inuu gogoshaan qabanayo waxaa soo dhoweeyay xubnaha Mucaaradka inkastoo ka qeyb galkeedi ay ku xireen sharuudo ay kujiraan in Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland gogosha kasoo qeyb galaan.