Home Wararka Maanta Xildhibaan Mahad Abiib oo Xabsiga laga soo daayay Kadib Amarkii Maxkamada Sare

Xildhibaan Mahad Abiib oo Xabsiga laga soo daayay Kadib Amarkii Maxkamada Sare

0

Waxaa goordhaw xabsiga laga sii daayay xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo bil ah u xirnaa amar kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, waxaana sii deynta xildhibaanka warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha xabsiga uu ku xirnaa Xildhibaanka.

Sii deynta xildhibaan Maxamed Abiib ayaa timid kaddib amar maanta kasoo baxay maxkamadda sare ee Dastuuriga Somaliland oo sharcidarro ku tilmaantay xariga xildhibaanka, iyadoona amar ku siisay taliyaha ciidanka asluubta  in xildhibaanka isla maanta xabsiga laga sii daayo.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muddo bil ku dhaw ku xirnaa xabsi kuyaalla magaalada Hargeysa, waxaana xildhibaanka ciidamada sirdoonka Somaliland ka xireen garoonka diyaaradaha Hargeysa xilli uu Imaaraadka Carabta kasoo laabtay .

Xariga xildhibaan Maxamed Abiib waxaa kasoo horjeestay oo sharcidarro ku tilmaamay golaha wakiiladda Somaliland, waxa ay sidoo kale golaha diideyn dalab uga yimid xeer ilaalinta Somaliland oo dalbaneysay in xildhibaanka laga qaado xasaanadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here