Golaha Wasiirada XFS ayaa goordhow ansixiyay magacaabidda Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo loo magacaabay Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow.
Mustaf Dhuxulow ayaa horay Xilal Wasiir ka soo qabtay Xukuumaddihii KMG iyo Xukuumadihi rasmiga muddo labaatan sano ayuu ahaa Xildhibaan Baarlamaan laga soo bilaabo xilligii Mbagathi.
Dhuxuloow ayaa Asbuucaan Saxafada Kasoo Muuqday asagoo Shaaciyay in Xasan Shiikh Meel cidla ah uga Tagay Dadkii Soo doortay oo Asagu ka mid ahaa Sheegayna Inuusan Hada kadib Aamusnaan doonin.