Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Xildhibaan Maydhane, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cagajuglayn iyo cabudhin ku hayso dadka reer Awdal, kaddib markii la sheegay in la xidh-xidhay dhallinyaro calanka Falastiin lasoo baxay.
Waxay xukuumadda ku eedeeyeen in dhallinyaro reer Boorama ah loo xidhay qaadashada calanka dalka Falastiin, xilli dadka reer Somaliland ay ku dabaal-degayeen calanka Israa’iil, kaddib markii dowladda Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.
Waxay sheegeen in ay sharcigu ka soo horjeeddo in dad lagu xidho qaadashada calanka Falastiin, iyagoo xusay in magaalada Boorama ay tahay magaalo nabdoon, balse xukuumaddu ay nabadgelyo-darro ka abuurayso.
“Hadda cidda xidhan faraha ha laga soo qaado, haddii magaalada aydaan idinku kicinayn, oo in aad rogtaan aydaan doonayn, xorriyatul-qawlka Dastuurka Somaliland ayaa jideeyay,” ayuu yidhi Xildhibaan Maydhane.
Dhanka kale, waxay sheegeen in ay doonayaan in beelaha Somaliland ay saamiga xukuumadda si siman u qaybsadaan, iyagoo sheegay in laba mid uun ay noqon doonto: in saamiga ay doonayaan la siiyo ama in reer Awdal ka go’aan Somaliland.
“Shuhadadii inaga dhimatay dhiiggoodu waa in uu wax inoo gooyaa oo aynu wax ku helnaa. Haddii taasina dhici weydo, sida lagu sii wada joogayo way adkaanaysaa. Umaddayada in la qayb-qaybiyana marnaba Cirro kaama oggolaanayno,” ayuu yidhi Xildhibaan Maydhane.
Marka laga yimaaddo gobolka Awdal, waxa jira dad kale oo isugu jira culimo iyo aqoonyahanno oo maalmihii la soo dhaafay lagu xidhay magaalada Hargeysa, kaddib markii ay dhaliileen xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland.






