Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dad deegaanka ayaa xalay weerar qorsheysnaa ka fuliyay Saldhigyo maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahayeen dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanada Cali heelle iyo Ciid kuus ee gobolka Galgaduud.
Weerarka ayaa ciidamada is kaashanaya waxay ku burburiyeen fariisimahii iyo gabaadyadii halkaasi ku lahayeen kooxdu oo la tilmaamay in maalmahii lasoo dhaafay ay isku aruursanayeen.
Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in weerarka ay ku dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka
Al-shabaab.
Waxa sidoo kale Saraakiishu sheegeen in howlgalkaan u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanadaan iyo ka hortaga khataraha ay maleegaan kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada iskaashanaya waxay sidoo kale xuseen inay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah Al-shabaab inta laga xasilinayo guud ahaan deegaanada gobolka Galgaduud.
Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamuka Galmudug waxaa mudo dheer ka socda howlgalada dowladda ku doonayso in kooxdu kaga xureyso guud ahaan deegaanada maamulkaas.