Maxkamadda Malmö ee dalka Sweden ayaa afar bilood oo xarig ah ku xukuntay Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark.
Ninkan ayaa lagu Riday Xukunka kaddib markii lagu helay dambiyo isir nacayb ah Maxkamaddu waxay ku xukuntay Baloudan ka dib hadallo gaf ah oo ka dhan ah Muslimiinta, Carabta iyo Afrikaanka oo uu ka sheegay laba mudaaharaad oo Qur’aan lagu gubay 2022 oo ka dhacay Malmö.’
Paludan ayaa hadallo cunsuri ah jeediyay labadii isu soo bax ee ka dhacay Malmö bilihii April iyo Sebtembar 2022, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday Muslimiinta, Carabta iyo Afrikaanka, sida ay sheegtay xeer ilaalinta Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Paludan uu “Qur’aanka ku duudduubay hilib doofaar, kadibna uu dab qabadsiiyey, laaday inta lagu guda jiro mid ka mid ah labada kulan.
isir nacaybka ka sokow, maxkamaddu waxay Paludan ku
xukuntay inuu aflagaadeeyay nin lagu magacaabo Lang Conteh, waxayna
ku xukuntay inuu bixiyo magdhow lacageed oo dhan 40,000 oo krone.
Somaliska Malmö