Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukuno kala duwan ay ku riday Shabakad farsameeyn jirtay Gaadiidka Qaraxyada loo adeegsado kadib markii lasoo gabagabeeyay dhageysiga dhammaan dacwadihii lagu soo eedeeyay eedeysanayaasha shabakadaan.
Shabakadaan waxaa qeyb ka ah nin lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan oo ku eedeysan in uu Al shabaab u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada u adeegsadaan isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga, si tixraac aysan ugu sameyn Hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayey Al shabaab, Waxaana ku dhacay xukun Cimrigaa ha ku furto Xabsi Daa’in.
Cabdinaasir oo hoostagayey horjooge lagu magacaabo Khaalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari NOHA ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa Alshabaabnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa Al shabaab.
Maadeey Cabdi Xuseen oo shabakadaan qeyb ka ah ayaa xiriirka Al shabaanimo uu kula sameeyay ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya Barrow, Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, isaga oo soo cilad bixiyay Sedex Gaari kana wata $400 dollar oo Al shabaab ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise Maadeey Cabdi Xuseen oo uu adeer u ahaa.
Maadeey ayaa lagu xukumay Labo sano, Halka Ciise na lagu xukumay Hal Sano oo Xabsi Alshabaabnimo ah.
Ugu dambeeyntii waxa ay maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo isna lagu eedeyay in uu ka iibsan rabay Al shabaab gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay, ayay Maxkamaddu sii daysay, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.