Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in 19 qof ay ku dhinteen, halka 214 qofna ay ku dhaawacmeen mudaharaadadii horraantii bishan ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha hortiisa ka akhriyey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay mudaharaadada, kuwaas oo sababay khasaare nafyeed kadib markii ay isku dhaceen ciidammada ammaanka iyo dhallinyaro cadhaysan.
“Mudane Wasiir, iga guddoon macluumaadka shaqaaqadii dhacday iyo baaxadda dhibka. Waxa ku geeriyooday 19 qof, oo 18 ka mid ahi rag yihiin, midna ay tahay haweenay. Waxa ku dhaawacmay 214 qof; 194 ka mid ah waa dhaawacyo fudud. Dadka dhaawacmay, Ilaahay mahaddiis ee maanta isbitaal jiifaa waa 20 qof oo Borama ah iyo 2 qof oo Hargeysa ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Mataan.
Waxa uu sheegay in 9 qof markii hore la geeyey isbitaalka Hargeysa, hase yeeshee 7 qof oo ka mid ah ay xukuumaddu u qaaday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si loogu daweeyo, isaga oo intaas ku daray in xaaladda dhaawacyadu ay soo hagaagayso.
Guddoomiyaha, oo maanta xilka la wareegay, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in uu damin karo shaqaaqooyinkii ka dhacay gobolka, isaga oo xusay in dadka reer Awdal ay door weyn ka qaateen gooni-isu-taagga Somaliland, isla markaana maanta ay safka hore kaga jiraan horumarinteeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in gobolka Awdal uu ka mid yahay meelaha ugu nabdoon Somaliland, isla markaana dhacdadii keentay dhimashada dadku aanay ahayn mid si ula kac ah loogu talagalay in Somaliland waxyeello loogu geysto, balse ay ahayd shil aan la qorshayn oo sababay khasaare lama filaan ah.
Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa shacabka ugu baaqay in laga digtoonaado in qalalaase dambe ka dhaco magaalada Borama iyo guud ahaan gobollada galbeedka, isaga oo beelaha ku nool gobolladaas ugu baaqay in ay si nabad ah ugu wada noolaadaan dhulkan oo ay muddo dheer wada degganaayeen.
Mudaharaadada ayaa ka qarxay magaalada Borama kadib markii xukuumadda Somaliland ay oggolaatay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda lagu muransan yahay ee Xeer Ciise, taasi oo markii dambe la joojiyay.








