Home Wararka Caalamka Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Leeskaga Ceshan Karo Dhalashada Wadanka

Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Leeskaga Ceshan Karo Dhalashada Wadanka

0
STOCKHOLM, SVERIGE 20260609 Översiktsbild av plenisalen under en omröstning i riksdagen av betänkandet om utmönstring av permanent uppehållstillstånd och anpassning av svensk rätt till EU:s migrations- och asylpakt. Foto: Anders Wiklund / TT / Kod 10040

Barlamaanka Sweden ayaa ansixiyey wax-ka-beddello dastuuri ah oo suuragelinaya in mustaqbalka sharci lagu soo rogo ka-noqoshada dhalashada Sweden ee dadka haysta laba dhalasho, haddii ay dhacaan xaalado gaar ah.

Wax-ka-beddellada ayaa dhigaya laba xaaladood oo qofka lagala noqon karo dhalashada Sweden:

    1. Haddii qofku dhalashada Sweden ku helay xog been ah ama macluumaad aan sax ahayn.

    1. Haddii qofka lagu helo dambiyo si weyn waxyeello ugu geysanaya “danaha muhiimka ah” ee qaranka Sweden.

Sidoo kale, baarlamaanka ayaa ansixiyey in xaqa ilmo iska soo ridista (Abortion) lagu xoojiyo dastuurka, isla markaana la oggolaado in xayiraado lagu soo rogo ururrada xiriirka la leh dambiyada abaabulan iyo kooxaha burcadda ah.

Wax-ka-beddelladan ayaa lagu ansixiyey 292 cod oo oggolaansho ah, halka 51 mudane ay diideen, lix mudane oo kalena aysan ka qaybgelin codbixinta.

Xisbiyada Tidö, Socialdemokraterna (Xisbiga Shaqaalaha) iyo Centerpartiet ayaa taageeray wax-ka-beddellada, halka Vänsterpartiet (Xisbiga Bidixda) iyo Miljöpartiet (Xisbiga Deegaanka) ay ka horyimaadeen.

Si kastaba ha ahaatee, Centerpartiet ayaa muujiyey walaac ku saabsan qaabka loo qoray qodobka la xiriira ka-noqoshada dhalashada, inkasta oo uu mabda’ ahaan taageeray in tallaabadan la qaadi karo marka ay jiraan xaalado aad u culus.

Xisbiyada Tidö iyo Socialdemokraterna ayaa hore u taageeray wax-ka-beddelladan intii lagu jiray codbixintii koowaad ee bishii May, halka Centerpartiet uu taageeray mabda’a guud balse uu diidmo ka muujiyey qaabka sharciyeed ee la soo jeediyey.

Waxaa muhiim ah in la xuso: Ansixinta wax-ka-beddellada dastuuriga ah lafteedu macnaheedu ma aha in dhalashada dadka hadda si toos ah loogala noqonayo, balse waxay suuragelinaysaa in la dejiyo sharci qeexaya xaaladaha arrintaas lagu dhaqangelin karo.