Booliska magaalada Philadelphia ee dalkaasi Mareykanka ayaa xalay dil u geystay nin madow ah kaas oo dilkiisu uu ka dhashay dibedbaxyo rabshado wata oo dad badan oo madow u badan lagu xir-xiray.

Ninkan ay boolisku dileen oo magaciisa lagu sheegay Walter Wallace Jr. (27-jir) ayaa labo boolis ah ay rasaas ku fureen xilli uu diiday in uu dhigo mindi uu sitay, waxaana dhimashadiisa lagu dhawaaqay markii isbitaalka la geeyay.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ninkan o mindi lasoo aadaya booliska toogtay oo caddaan ahaa.

Qoyska marxuumka ayaa booliska ku eedeeyay isticmaalka awood saa`id ah oo dhalisay dhimashada wiilkooda.

Si kastaba dibedbaxayaal dhowr ah ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana dibedbaxaasi rabshada watay ka dhashay dhaawac iyo bur-bur hantiyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*