Warbaahinta caalamka ayaa qabsatay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli kaas oo sheegayay in ay kaga hortageen cudurka coronavirus ee caalamka faraha ba`an ku haya “salaad iyo duco”.

Xilli ay dalalka adduunka xayiraado kusoo rogeen shacabkooda, isla markaana la xakameeyay socodka, ayaa dalkaasi ku yaalla Bariga Afrika waxa uu go’aansaday in aanu tallaabooyinkaasi raacin.

Tan iyo 19-kii April, Tanzania ma aanay shaacin xogta kiisaska cusub ee Fayraska Korona ee dalkeeda.

Madaxweyne John Magufuli ayaa su’aal geliyay kalsoonida lagu qabi karo qalabka lagu baaro Fayraska, waxaana uu amray in la xiro sheybaarka qaranka, bil kadibna waxa uu shaaciyay in dalkiisa uu ka guuleystay cudurka safmarka ahee COVID-19.

Safaaradaha ajnabiga ee waddankaasi ku sugan iyo dalalka jaarka ah ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Tanzania.

Safaaradda Maraykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay feejignaan badan muujiyaan, iyadoo sheegtay inay sareyso fursadda ah inay cudurka ka qaadaan magaalada Daaru-salaam.

UK-na waxa ay muwaadiniinteeda kala baxday waddankaasi.

Dalka deriska la ah ee Kenya ayaa dhawaan sheegay in 182 ajaanib ah oo ku sugnaan xuduudda ay labada dal wadaagaan laga helay cudurka, sidaana loogu diiday inay soo gudbaan.

Go’aankaasi ayaa ka caraysiiyay xukuumadda Tanzania, waxaana ay mas’uuliyiinta waddankaasi ku eedeeyeen Kenya inay boqnaha jarayso waaxdooda dalxiiska.

Zambia ayaa xiratay xuduudda ay la leedahay Tanzania, kadib markii ay ogaatay in kiisas badan ay uga yimaadeen gediga kale.

Hay`adda caafimaadka adduunka ayaa dhawaan soo saartay wal-wal ku aadan in cudurka COVID-19 uu saameyn ba`an ku reebi doono dalal ku yaalla Afrika waqtiyada soo socda.