Xilli uu jahwareer ka taagnaa iclaaminta dhalashada bisha shawaal ilaa xalay saqdii dhexe xilliga Muqdisho ayaa waxaa mar qura la sheegay in laga arkay bisha dalalka deriska sidaasna ay ciid ku tahay maanta, laakiin dadka qaar ayaa ku kalsoonaan waayay arrintaasi oo waxa ay sii wateen soonkooda.

Kala qeybsanaan dhanka ciida ah ayaa maanta laga dareemayaa gudaha dalka, xilli deegaano qaar oo ay ku jirto caasimadda laga ciiday, halka gobollada qaarna laga sooman yahay.

Si kastaba magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa maanta dabaaldegga ciidda, waxaana looga ciidayaa si ka ballaaran sidii horay loogu arki jiray.

Inkastoo la faray in dadku aysan isdhexgelin sababo la xiriira cudurka coronavirus ayaad hadana moodaa in eysan dadka dhag jalaq u siin awaamiirtaasi.

Dhanka kale, caalamka qeybo ka mid ah ayaa maalinta berito ah waxa ay u tahay ciida, xilli ay maanta sooman yihiin.