Maalinkii labaad ayaa waxaa qeybo ka mid ah magaalada Philadelphia ka soconaya dobedbaxyo rabshado wata kuwaas oo ay dhigayaan shacab ka careysan dilka ay boolisku u geysteen maalintii Isniinta nin dhallinyaro oo madow ah. 

Ninkan ay boolisku dileen oo magaciisa lagu sheegay Walter Wallace Jr. (27-jir) ayaa labo boolis ah ay rasaas ku fureen xilli uu diiday in uu dhigo mindi uu sitay, waxaana dhimashadiisa lagu dhawaaqay markii isbitaalka la geeyay.

Dibedbaxyada ayaa isu badalay kuwo rabshado wata oo ay booliska iyo dibedbaxayaashu ay isku farasaareen, waxaana sidoo kale la bililiqeystay goobo dhowr ah oo ganacsi.

Duqa gobolkaasi Tom Wolf  ayaa u yeertay ciidanka xoogga si ay uga caawiyaan dib usoo celinta kala dambeynta.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ninka madowga ah ee la dilay oo mindi lasoo aadaya booliska toogtay oo caddaan ahaa.

Qoyska marxuumka ayaa booliska ku eedeeyay isticmaalka awood saa`id ah oo dhalisay dhimashada wiilkooda.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashada madaxtenimo ee dalkaasi Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*