Sarkaal boolis ah oo u dhashay dalka Filibiin ayaa waxaa dilay diiq, xilli uu ku sugnaa tartanka dagaalka diiqa oo dhowaan laga mamnuucay dalkaas, kaas oo ka dhacay gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Samar.

Christine Bolok ayaa waxaa dhaawacday mindi af badan oo aalaaba lugta loogu xiro diiqyada dagaallamaya.

Mindida ayaa jartay cajarkiisa bidix, iyadoo goysay halbowle halis ah. Waxaa geeriyooday intii isbitaalka loo sii waday.

Dagaalka diiqa ayaa laga mamnuucay dalka Filibiin inta uu socdo xanuunka safmarka ah.

Kahor inta uusan dillaacin coronavirus, munaasabo gaar ah oo keliya ayaa loo oggolaa in la qabto tartanka diiqa.

Taliyaha booliska gobolkaa korneel Arnel Apud ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid laga naxo.

“Ma rumeysan karin markii hore ee la ii soo sheegay. Waa markii ugu horreysay 25-ka sano ee aan boolis ahay oo aan sarkaal boolis ku waayo tartanka dagaalka diiqa .” Ayuu yiri.

Saddex qof ayaa loo soo xiray qabashada tartankaas, sidoo kale wuxuu boolisku la wareegay toddobo diiq oo tartanka ka qeyb qaatay.

Tartanka dagaalka diiqa ayaa caan ka ah Filibiin, waxaana isugu yimaada dad badan oo sharad ku gala natiijada ka soo baxda dagaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*