Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka fal-celineyso weerar sawir-gacmeed oo uu dhawaan ku qaaday jaraa`idka fransiiska kasoo baxa ee Charlie Hebdo madaxweynaha dalkaasi Turkiga Erdogan.

Falcelintan ayuu Turkigu sheegay in ay isugu jiri doonto mid maxkamadeed iyo mid diblomaasiyadeed.

Sawir-gacmeed ayaa muujinya madaxweyne Erdogan oo kastuumo sita islamarkaana kursi ku fadhiya, gacantana ku haysta cabitaan aan la cayimin, isagiina gacanta kala dabada uga feydaya haweeney xijaaban.

Sawirkan ayay dowladda Turkigu sheegtay in uu fidinayo cunsuriyad dhanka dhaqanka ah, aysana u dulqaadan doonin.

Dhawaan ayay aheyd markii uu khilaaf ka dhashay hadallo kasoo yeeray madaxweynaha Fransiiska Macron oo Islaamka ku saabsan iyo madaxweyne Erdogan uu dhex maray kaas oo ay hawada isumariyeen “aflagaado”.

Sawir-gacmeedkan ayaana ka dhashay khilaafkaasi.

Jaraa`idka daabacay sawir-gacmeedka ayaa horay loogu geystay weerar xaruntiisa, waxaana looga dilay dhowr shaqaale kadib markii uu sawir-gacmeed ka daabacay nabi Muxammad (NNKH)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*