Madaxweynaha dalka Fransiiska Emmanuel Macron ayaa shir jaraa`id uu qabtay kadib booqasho uu ku tagay magaalada Nice oo maanta uu ka dhacay weerar mindi oo saddex ruux lagu dilay ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxaana uu sheegay in dalka Fransiiska ay weerar kusoo qaadeen “koox islaam oo argagixiso ah”.

Waxa uu sheegay in fransiisku uusan marnaba ka dugi doonin qiimihiisa iyo waxa uu aaminsan yahay, waxaana uu yiri “Fransiiska weerar ayaa lagu soo qaaday”.

Kadib weerarkii maanta ee magaalada Nice, waxaa uu Fransiiska laba-laabay ciidamada qaranka ee sugaya amniga magaalooyinka kuwaas oo uu gaarsiiyay ilaa 7-kun oo askari.

Madaxweyne Macron ayaa sheegay in ilaa berito lagu soo dhameystiri doono qorshaha sugidda amnig si looga hortago weeraro kale oo argagixiso.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa uu madaxweynaha Fransiiska “dagaal” kula jiray Islaamka kadib markii dil gowrac ah loo geystay macallin iskool kaas oo ardaydiisa dhowr jeer tusay sawir-gacmeed laga sameeyay nabi Muxammad (NNKH).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*