Dowladda Turkiga, oo dhowaanahan xiriir aan wanaagsanayn la lahayd dowladda Faransiiska, ayaa cambaareysay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Nice.

Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid “wuxuushnimo ah”.

Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan ka cadhootay hadallo ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, kaas oo ka dhan ahaa “diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa Twitter-ka ku qoray farriin uu ku cambareeyay weerarkaas.

Wuxuu sheegay in “dowladdiisa ay garab taagan tahay Faransiiska”.

Afhayeen u hadlay madhabka Vatican, Matteo Bruni, wuxuu sheegay in “weerarka uu ka dhacay goobta jaceylka iyo isu imaatinka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*