Xilli sare loo qaaday sudigga amniga guud ahaan dalka Fransiiska oo tan iyo markii uu madaxweynaha dalkaasi uu si waadix ah u muujiyay islaam-naceyb islamarkaana hadaladiisu dhaliyeen weeraro ka dhaca dalkaasi ayaa mawaa saacado ka hor lasoo warinayaa in baadari kasii baxaya kaniisad lagu toogtay magaalada Lyon.

Wararku waxa ay sheegayaan in baadarigu uu iminka dhaawac yahay islamarkaana lagu dabiibayo isbotaal ku yaal magaaladaasi, sida ay warisay wakaaladda wararka dalkaasi ee AFP.

Ciidamo badan oo loo diray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa baadi-goob ugu jira gacan ku dhiiglaha ka dambeeya weerarka oo hubeysan.

Baadariga la dhaawacay ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Griiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*