Kumannaan dibedbaxayaal ah ayaa hor dhooban bannaanka hore ee aqalka cad ee Mareykanka, waxaana ay sitaan boorar ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha iminka haya talada dalkaasi ee Donald Trump.

Boolis aad u hubeysan iyo ilaalada aqalka cad ayaa si weyn gaar uga haya dibedbaxayaashaasi kuwaas oo laga cabsiqabo in ay aqalka ugu galaan madaxweyne Trump.

Boorarka ay sitaan ayaa waxaa qaarkood ku qoran “Remove Trump” oo micneheedu yahay “Ka tuur Trump”.

Dibedbaxa oo iminka ku socda si nabad ah, walina ay dibedbaxayaal horleh kusoo qul-qulayaan goobta ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay xaaladdu isbedesho marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada saacadaha soo socda.

Wixii kusoo kordha doorashada Mareykanka kala soco Calanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*