Home Wararka Caalamka Shiinaha oo Mareykanka ka dalbaday in Deg Deg loo daayo Madaxwene Maduro

Shiinaha oo Mareykanka ka dalbaday in Deg Deg loo daayo Madaxwene Maduro

0

Kadib qabashadii madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, maanta wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa soo saartay bayaan.

Bayaan-kaas ayaa lagu sheegay in Shiinuhu ka dalbanayo Maraykanka inuu si degdeg ah u sii daayo Maduro iyo xaaskiisa, kuwaas oo labadaba la qabtay shalay.

Shiinuhu sidoo kale wuxuu aaminsan yahay in xaaladda Venezuela lagu xallin karo oo keliya wada-hadal iyo gorgortan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sidoo kale ku sheegtay bayaankeeda in Maraykanku mas’uul ka yahay sugidda ammaanka Maduro iyo xaaskiisa. Sidoo kale waxay carrabka ku adkeysay in qabashada labadooda iyo in dalka laga saaro ay tahay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah.