Home Wararka Maanta Faahfaahin Milateriga Israel oo bukaano & shaqaale Caafimaad ku laayey Isbitaalka Al-Shifa.

Faahfaahin Milateriga Israel oo bukaano & shaqaale Caafimaad ku laayey Isbitaalka Al-Shifa.

0

Duqeymo ay bilaabeen militariga Israa’iil ayaa lagu dilay shaqaale caafimaad, bukaanno iyo dad gabaad ka dhiganayay Isbitaalka go’doonsan ee Al-Shifa, ee waqooyiga Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

Duqeynta Israa’iil ayaa sidoo kale waxyeeleysay dhismaha qalliinka ee Al-Shifa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Dadka deegaanka ayaa CNN u sheegay Khamiistii in dab xooggan uu ka kacay agagaarka isbitaalka. Mid ka mid ah qoysaska ayaa sheegay in agagaarka Al-Shifa, boqolaal meyd ah ay daadsan yihiin.

“Waxa jira inta u dhaxaysa 150 ilaa 200 oo shahiido ah oo ku sugan waddada. Waxaan ugu baaqaynaa dalalka Carabta inay hurdada ka kacaan oo ay is weydiiyaan ilaa intee ayuu sii socon doonaa dhiiggan daadanaya? ayuu yiri mid ka mid ah qoyska, Samiir Al-Ajour. Qof kale oo ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Fahmi Al-Ajour ayaa sheegay in gabadhiisa iyo wiil yar oo uu dhalay la dilay. “Waa wiilka keliya ee aan haysto,” ayuu yiri.

Duqeymo is xig xiga oo ay Israa’iil la beegsatay goobo ku dhow magaalada Xalab ee dalka Suuriya ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah iyo askar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA.

Sida laga soo xigtay ilo militari oo ay soo xigatay SANA, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa bilaabay weerar abaaro 1:45 gelinkii dambe ee xalay wakhtiga maxaliga ah, iyagoo ka soo qaaday jihada Athriya, ee koonfur bari ee Xalab.

Israa’iil si cad ugamay hadlin weerarkan hase ahaatee waxay sanado badan duqeymo cirka ah ka wadda Suuriya si ay u beegsato kooxaha ay Iran ay taageerto.

Dhinaca kale,  Ururka Xisbullah ayaa iyana sheegay in duqaymo cirka oo ay Israa’iil fulisay ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan kooxdaas

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay dhimashada lix ka mid ah xubnahooda.

Dhanka Telegram-ka, kooxdu waxay ku shaacisay magacyada xubnaha la dilay oo kala ah Ahmed Jawad Shehimi, Mustafa Ahmed Makki, Ibrahim al-Zeen, Ali Muhammad al-Haf, Mustafa Ali Nasif iyo Ali Abdel Hassan Naciim.

Heyadda QM u qaabilsan gargaarka Falastiin ee UNRWA waxay sheegtay in shaqada Gaza ay ka heyso sii yaraanayso sababo la xiriira diidmada Israel ee ah inay la shaqeyso hay’adda

Tan iyo markii ay Israa’iil ku dhawaaqday todobaadkii hore inay joojinayso dhammaan wada shaqayntii ay la lahayd hay’adda UNRWA, shan codsi oo ah inay galaan waqooyiga Qaza waa la diiday. Intaa waxaa dheer, baabuurta xamuulka ah ee hay’adda ayaa weli taagan El Arish oo ku taal dhinaca Masar ee xadka, iyagoo sugaya inay galaan Gaza.

Alrifai ayaa intaa ku daray in celcelis ahaan 155 baabuur ay galaan Gaza maalin kasta balse tiradan ayaa ah mid aad uga fog 500 oo baabuur oo ay QM ku qiyaastay in ay yihiin kuwa ugu yar ee loo baahan yahay marka loo eego duruufaha ka jira Gaza.

“Isku day kasta oo cunto lagu geliyo Gaza waa la soo dhaweynayaa, laakiin habka ugu fudud, ugu dhaqsaha badan uguna jaban waa in la isticmaalo meelo dhulka ah,” ayuu yiri afhayeenku.

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Xiisada Wax kabadalka Dastuurka oo Meel Xasaasi Gaartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here