Hay`adda Center for Presidential Transition Board oo ka shaqeysa talo-siinta madaxweynaha cusub ee la doorto ayaa ugu baaqday madaxweynaha doorasha looga adkaaday ee Donald Trump in uu bilaabo qorshaha xil-wareejinta.

Inkastoo xilwareejinta caadiyan dhacdo labo bilood kadib doorashada ayay warkani kasoo yeeray hay`adda maadaama uu Ttump diidan yahay in uu qirto in laga badiyay.

Xil-wareejinta ayaa u asteeysan 20-ka bisha Janaayo ee sannadka 2021.

Hay`adda ayaa ka cabsi-qabta in madaxweyne Trump uu xaaladda ka adkeeyo sida caadiga ah ee cilwareejinta lagu yaqaano.

“Xaaladdu waa mid cakiran, taariikhdana horay waa loo arkay madaxweyne laga guuleystay oo aan aqbalin guul-darrada, ninka ka guuleystayna aan u mahadcelinin”, ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka ay soo saartay hay`adda.

Joe Biden oo ah ninka doorashada ku guuleystay ayaanan wali si rasmi ah hay`adda Mareykanka u qaabilsan doorashada ee General Services Administration u shaacin guushiisa, waxaana ay taasi xannibaad ku keeneysaa dhaqaalaha xil-wareejinta.

One Comment

  1. The Yoga 910 uses DDR4 while the XPS 13 uses DDR3. Claudelle Antoni Grados

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*