Home Wararka Caalamka Dhacdo Cajiib Ah: Maxkamad ku Xukuntay 3 Sano Nin diiday Inuu Saxiibtiis...

Dhacdo Cajiib Ah: Maxkamad ku Xukuntay 3 Sano Nin diiday Inuu Saxiibtiis u Isticmaalo Kondhom

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT

Stockholm, Sweden – Maxkamad ku taalla Sweden ayaa xukun 3 sano oo xarig ah ku ridday nin 44 jir ah kadib markii lagu helay dambiga kufsiga, kaddib markii uu galmo la sameeyay haweeney isaga oo aan isticmaalin kondhom, inkastoo ay marar badan ku adkaysay in isticmaalka kondhomku yahay shardi muhiim u ah oggolaanshaheeda.

Sida ay qortay wargeyska DN, dhacdadani waxay dib ugu laabanaysaa bishii Diseembar 2024, markii haweeneydu ay ninka u raacday gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Stockholm. Labadoodu hore ayay dhowr jeer isu arkeen, waxaana hore uga dhexeeyay xiriir galmo.

Sida ku cad xukunka maxkamadda, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in galmada bilowga habeenkaas ay ahayd mid ay si wadajir ah ugu raalli ahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, haweeneydu waxay si cad u sheegtay in isticmaalka kondhomku yahay shardi lama huraan u ah galmada. Waxay maxkamadda u sheegtay inay “aad ugu caddayd” arrintan isla markaana ay dhowr jeer ku celcelisay.

Ninka ayaa qirtay inuu maqlay haweeneyda oo shuruuddaas xustay “hal ama laba jeer”, balse wuxuu sheegay inuu u fahmay inay doonaysay inay isaga ka ilaaliso khatar caafimaad maadaama ay u sheegtay inay dhowaan xiriir la yeelatay qof kale, halkii uu uga qaadan lahaa inay ahayd shardi rasmi ah oo ay ku bixisay oggolaanshaheeda.

Markii ay haweeneydu markii dambe ogaatay inaan la isticmaalin kondhom, waxay sheegtay inay la kulantay naxdin iyo caro xooggan.

Maxkamaddu waxay go’aamisay in oggolaanshaha haweeneydu uu ku xirnaa isticmaalka kondhomka, sidaas darteedna jebinta shuruuddaas ay ka dhigan tahay in galmadu aysan lahayn oggolaansho sharci ah, taas oo sababtay in ninka lagu xukumo dambiga kufsiga.