Sida uu qoray jaraa`idka kasoo baxa dalkaasi Sacuudiga ee Arab News ayaa waxaa xanuun u geeriyooday ku dhawaad laba bilood ka hor hogaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahri.

Magaalada Ghazni ee dalkaasi Afghanistan ayaa la sheegeen in uu ugu geeriyooday hoggaamiyaha xanuunka loo yaqaan Astma ee uu dawadeeda helin.

Muuqaal uu soo duubay sannadkii tagay oo uu ugu baroor-diiqayay weerarkii Mareykanka ee 11. september 2001 ayaa ugu dambeeyay calaamad muujineysay noloshiisa.

Ayman ayaa jagada hoggaaminta la wareegay sannadkii 2011 kadib markii uu Mareykanka weerar ku dilay hoggaamiyihii hore ee ururkaasi Osama Binladen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*