NORWAY: Cunsurigii weerarka ku qaaday masjidka al-Nuur, walaashiisna dilay oo la xukumay

Maxlamadda Askar iyo Bærum, gobolka Akershus ee dalkaasi Norway ayaa maanta xukun dheer oo 21 sano oo xarig ah ku ridday eedeysanihii cunsuriga ahaa ee weerarkii dhicisoobay ku qaaday masjidka al-Noor, horayna usoo dilay gabar waalidkiis soo korsadeen oo guria la daganeyd islamarkaana indhayar aheyd.

Ninkan oo lagu magacaabo Philip Manshaus (22-jir) ayay maxkamaddu sheegtay in uu caafimaad qabay, maskaxdiisuna ay fiyoobeyd xilligii uu ku kacayay falka argagixiso.

” – Philip Manshaus waxaa lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah oo marka ay ugu yartahay uu 14 sano xabsigaasi ku jirayo ka hor inta aan kiiskiisa dib u eegis loogu sameyn islamarkaana dib loogu qiimeyn”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maxkamadda.

Waxaa sidoo kale lagu xukumay Philip in uu magdhow siiro eedadiis aabihiis qabay iyo saddex ka mid ah jameecadii masjidka kula dagaashay ee isaga oo hubeysan qabtay.

Maxkamadda ayuu horay uga sheegay Philip in ujeedka weerarka masjidka uu ahaa in uu dilo dad badan balse waxa uu kasoo hormaray xilligii salaadda Jimcaha oo uu masjidka kula kulmay saddex oday oo labo da`aheyd.

Waxa uu sheegay in uu mar kale ku dhaqaaqi lahaa falkaasi haddii uu fursad u heli lahaa, isagoona la qoomameeyay in uusan ugu hirgelin sidii uu doonayay ee uu dadka badan ku leyn lahaa.

Labo nin oo ka mid ah jameecada masjidka ayaa fashiliyay weerarkiisa, waxaana ay kula dhageen qoryaha iyagoona ugu dambeyn dhulka ku hayay ilaa boolisku ka yimaadaan.

Walaashii uu dilay: Johanne Zhangjia Ihle-Hansen (17-jir)

Ka hor inta uusan soo qaadin weerarka masjidka ayaa waxaa uu Philip guriga kusoo dilay gabar “walaashiis” ah oo ay soo korsadeen Aabihgiis iyo islaantii eedada ee uu qabay, balse asal ahaan indhayar aheyd.

Philip oo hadalka lasiiyay kadib xukunka maxkamadda ayaa sheegay in uusan aqoonsaneyn maxkamadda islamarkaana uusan racfaan ka qaadan noonin xukunka.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *