(COMBO) This combination of pictures created on November 23, 2020 shows (L to R) Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu giving a statement in Jerusalem on November 19, 2020; and Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman addressing the G20 summit in Riyadh on November 22. 2020. – Israel’s premier Benjamin Netanyahu was in Saudi Arabia on November 22, where he held secret talks with US Secretary of State Mike Pompeo and Crown Prince Mohammed bin Salman, Israeli media said. A diplomatic correspondent at Israel’s public broadcaster Kan quoted multiple Israeli officials as saying that Netanyahu and the head of the Mossad spy agency Yossi Cohen, “flew yesterday to Saudi Arabia, and met Pompeo and MBS in the city of Neom”. Netanyahu’s office was not immediately available to comment on the report. (Photos by Maya Alleruzzo and Bandar AL-JALOUD / various sources / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE – MANDATORY CREDIT “AFP PHOTO / SAUDI ROYAL PALACE / BANDAR AL-JALOUD” – NO MARKETING – NO ADVERTISING CAMPAIGNS – DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegayey in ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu Axaddii socdaal qarsoodi ah ku tegay dalkaas, lana kulmay dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

“Waxaan arkay wararka warbaahinta ee ku saabsan kulan la sheegay inuu dhex-maray dhaxal-suge Maxamed Bin Salman iyo saraakiil Israa’iiliyiin ah intii lagu guda jiray booqashadii uu Pompeo. Wax kulan noocaas ah ma dhicin. Saraakiisha rasmiga ah ee joogtay waxay ahaayeen Mareykan iyo Sacuudiyaan,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo qoraal soo dhigay twitter.

Warbaahinta Israel ayaa shalay ku warramay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu booqasho sir ah Axaddii ku tegay Saudi Arabia, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhaxal-suge Mohamed bin Salman iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

Warbixinada ayaa sheegay in wafdiga Israel uu ku jiray Yossi Cohen, oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*