Booliska magaalada Birmingham ayaa saakay oo Axad ah ka wada magaaladasaaso howlgal kadib markii senterka magaaladaasi xalay ilaa saakay aroor dhowr qof lagu galiyay mindi.

Xalay saqdii dhexe, abaarihii 00:30 ayay boolisku heleen farriintii ugu horreysay ee mindi-gelinta, waxaana xigay dhowr farriimood oo is-xigxigay oo dhacdo noocaas ah la xiriirtay.

Waxa ay sheegeen boolisku in uu jiro dhaawacyo badan oo dhadadaasi la xiriira, mana oga ilaa iyo iminka cidda geysaneysa iyo sabab.

Qeybo ka mid ah magaaladaasi ayay u xiran tahay booliska, waxaana ka socda howlgal ballaaran oo lagu baarayo dhacdadan.

Booliska ayaa ugu baaqaya bulshada in ay isdajiyaan islamarkaana ay ka fogaadaan aaga la tuhunsan yahay ee howlgalku ka socdo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*