Home Wararka Maanta Diyaaradda Air France oo cillad qabsatay Xili ay Duilimaad ku jirtay iyo...

Diyaaradda Air France oo cillad qabsatay Xili ay Duilimaad ku jirtay iyo Duuloyaha oo Go,aan Cajiib ah Qaatay

0

Mid kamid ah diyaaradaha shirkadda Air France ayaa waxaa lasoo daristay cillad xilli ay duulimaad ku jirtay, waxa ayna taasi keentay in duuliyaha diyaaradaasi si deg deg ah ugu dejiyo dalkii ay u socotay dal aan aheyn.

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 777 ayaa isaga kala gooshaysay magaalooyinka Paris iyo Osaka, waxaana ku timid diyaarada cillad sababtay in si deg deg ah loogu dejiyo garoonka diyaaradaha ee Heydar Aliyev oo ku yaalla Caasimadda dalka Azerbaijan .

Shirkadda diyaaradaha ee Air France qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in la maqlay dawanka digniinta bixiya , kadib markii uu qiiq ka kacay halka laga hoggaamiyo diyaaradaha, taasi oo sababtay in diyaaradda si deg deg ah loo dejiyo.

Diyaaradda oo ay la socdeen 280-qof oo rakaab ah ayaa si nabad uga ka degtay garoonka diyaaradaha Heydar Aliyev, waxaana diyaarada markii degtay si deg deg ah loogu fidiyay gargaar, waxaana laga dejiyay oo goob ammaan ah la geeyay dadkii diyaaradda la socday.

Previous articleWaddooyinka Nairobi oo webiyo isku beddelay iyo dhimasho ka dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here