Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Baarlamaanka Puntland uu goordhoweyd xasaanaddii xildhibaannimo ka qaaday 8 Mudane.

Xildhibaannada xasaanada lagala noqday ayaa si weyn u mucaaradsanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Yuusuf.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa cod gacan taag ah u qaaday in Xildhibaannada laga qaado xasaanadda, waxaana gacanta u taagay 35 Xildhibaan.

Xildhibaannada xasaanada lagala laabtay ayaa kala ah:-

1.Xildhibaan Cabdijamal Cismaan
2.Xildhibaan Cabdiqani surato
3.Xildhibaan Muuse Jajabsay
4.Xildhibaan Gen.Baduugaaye
5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
6.Xildhibaan Saleeban Faarax.
7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Waa tiradii ugu badneyd ee Xildhibaano ah oo lagala laabto xasaanada xubinimada Baarlamaan ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada, iyadoo horay sidan oo kale uga dhacday Kismaayo, markii baarlamaanka Jubbaland uu sanado ka hor xasaanada kala laabtay illaa labo xildhibaan.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay dhacdadan soo wariso oo ay goobjoog ka noqoto, waxaana saaka aroor hore Ciidamada Booliska Puntland ay xireen waddooyinka soo gala xarunta Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*