Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dadka magaaladaas ay saaka ku waabariisteen dhawaqa rasaas bartamaha magaalada ka dhacaysa.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu ka tagay, waxaase soconaya dedaallo la doonayo in khilaafka sababay dagaalka lagu soo afjaro.

Wararka waxay sheegayaan in koox dhalinyaro oo isa soo abaabushay ay rasaaseeyeen ciidamada booliska oo ku sugnaa barkantarool kuwaas oo kasoo horjeeda booqashada maanta lagu wado in Beledweyne madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Beledweyne waxaa saaka ka taagaan xiisad, buuq iyo dibadbaxyo ay wadaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

Khilaafkan ayaa salka ku haya dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay dadka sheegayaan in aanay ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsaday.

Waxaa socda dadaallo xooggan oo lagu xallinayo khilaafkan, waxaa shaley Beledweyne gaaray wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax si uu dhageysto tabashada dadweynaha iyo dhinacyada kala duwan si loo soo afjaro xiisadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*