Iyadoo muddooyinkan dambe uu aad ugu faafayo dalka Norway urur Islaamka neceb oo loo soo gaabiyay SIAN (Stopp islamiseringen av Norge) islamarkaana guba kutaabka qur`aanka ayaa waxaa iminka ururkaasi doonaya in dalka Norway laga mamnuuco Golaha Islaamka Norway.

Guddoomiyaha ururkaasi Abdiraxmaan Diiriye  oo warbaahinta Norway la hadlay, gaar ahaan Tv2 ayaa sheegay in ururkaasi uu xadka dhaafay islamarkaana uu ka hor imaanayo xuquuqda aadanaha.

Ururka SIAN oo bilihii ugu dambeeyay qabsanayay bandhigyo dibedda ah ayaa waxaa kooxo kasoo horjeeda ay uga carqaladeynayeen dibedbaxyo rabshado wata kuwaas oo qaarkood lagu waxyeeleeyay xubnaha sar-sare ee ururkaasi.

Mr. Diiriye ayaa ugu baaqay dowladda Norway in ay arrinta faraha kasoo baxeysa ee ururkani ay soo farageliso, iyadoona dhinaca kale ilaalineysa xuquuqda xorriyadda hadalka.

” – Waan aaminsannahay xuquuqda xorriyadda hadalka, waayo waa gundhigga dimuquraadiyadda, laakiin waa in la isla garto waxa xorriyadda hadalka loo adeegsanayo”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Diiriye oo ah guddoomiyaha Golaha Islaamka Norway.

Waxa uu intaa ku daray Diiriye in xariyaddaasi aan loo adeegsan in lagu kala geeyo bulshada, balse loo adeegsado in la isugu soo dhoweeyo.

Guddoomiye Diiriye ayaa sidoo kale sheegay in xuquuqda xoriyadda hadalka eysan qeyb ka aheyn naceybka, cunsuriyadda iyo ficillada gacan-ka-hadalka, wuxuuna tilmaamay in Qaramada Midoobay fareyso Norway in eysan ogolaan in dalkeeda ka shaqeeyaan ururro dhiirrigelinaya naceybka iyo cunsuriyadda.

Waxa uu sheegay in ay cabsigelineyso ficillada ay sameynayaan xubnaha ururka SIAN.

Guddoomiyaha ururka SIAN ayaa dhawaan sheegay in ay sii wadayaan gibidda qur`aanka, isagoona ugu baaqay dhankiisa dowladda in ay dalka ka saarto dadka ku ad-adag diinta Islaamka ee ay calaamadeheedu ka muuqdaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*