NORWAY: Urur islaamka neceb oo isu-soobax uu caasimadda Oslo ku lahaa laga carqaladeeyay

Ururka SIAN oo loo soo gaabiyay  “Stopp islamiseringen av Norge” islamarkaana micneheedu yahay “jooji islaameynta Norway” oo maanta isu-soobax ku qabsaday xaafadda Mortensrud ee degmada Søndre Nordstrand ee magaalada Oslo ayaa laga carqaladeeyay.

Dibedbaxan oo qorsheysnaa islamarkaaba boolisku gaar ka hayay ayaa waxaa uu la kulmay dibedbax kale oo lagaga soo horjeeday, waxaana goobta ka dhacay rabshad sababtay in boolisku soo afjaro dibedbaxaasi islaam naceybka xambaarsanaa.

Madaxa ururkan oo lagu magacaabo Lars Thorsen, islamarkaana goobta khudbad ka jeedinayay ayaa waxaa lagu weeraray ukumo, yaanyo iyo digsiyaal.

Lars ayaa weerarkan la kulmay mar uu khudbaddiisa bilaabay oo uu ku weeraray islaamka.

Dibedbaxayaasha kasoo horjeeday ururkan ayaa sitay boorar ay qaarkood ku qornaayeen «Ingen rasister i våre gater» oo micneheedu yahay “uma dooneyno cunsuriyaal waddooyinkeena”.

Ugu dambeyn booliska ayaa ugu baaqay ururka SIAN in ay soo afjaraan dibedbaxooda maadaama laga cabsi qabo in ay xaaladdu waji kale yeelato.

Dadkii kasoo horjeeday ayaa ku farxay go`aanka uu boolisku ku joojiyay dibedbaxan looga soo horjeeday islaamka.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *