Koox dhakhaatiir Sacuudiyaan ah ayaa ku guulaystay inay si guul leh u kala saaraan mataano Soomaali ah oo isku dhegganaa, kuwaas oo lagu kala jaray qalliinka lagu sameeyay Isbitaalka Carruurta ee King Abdullah Specialized Children’s Hospital ee magaalada Riyadh.
Mataanahan oo lagu kala magacaabo Raxma iyo Ramla, isla markaana da’doodu ahayd 13 bilood, ayaa iskaga dhegganaa qaybta hoose ee caloosha iyo miskaha. Qalliinka lagu kala saaray ayaa socday ku dhowaad 14 saacadood, waxaana loo fuliyay siddeed marxaladood oo kala duwan.
Howlgalka qalliinka ayaa waxaa ka qayb qaatay 37 dhakhtar, khubaro caafimaad iyo kalkaaliyeyaal ku takhasusay suuxinta, caafimaadka carruurta, lafaha iyo qalliinka dib-u-habaynta jidhka.
Mataanahan ayaa Sacuudi Carabiya la geeyay bishii May ee sannadkii hore, kaddib markii Boqor Salmaan uu amray in dalka loo qaado si loogu sameeyo baadhitaanno caafimaad oo lagu qiimeeyo suurtagalnimada qalliinka lagu kala saarayo.
Qalliinka waxaa hoggaaminayay dhakhtarka caanka ah ee Dr. Cabdullah Al-Rabeeah, oo madax ka ah Barnaamijka Kala-Jarista Mataanaha Isku Dheggan ee Sacuudiga (Saudi Conjoined Twins Program), isla markaana ah kormeeraha guud ee hay’adda gargaarka bini’aadantinimo ee KSrelief.
Dhakhaatiirtu waxay hore u sheegeen in mid kasta oo ka mid ah mataanaha uu lahaa laba lugood oo dhamaystiran, balse ay wadaagayeen lafaha miskaha, mindhicirka weyn iyo malawadka, iyadoo sidoo kale ay isku dhex yaalleen qaybo ka mid ah hab-dhiska kaadi-mareenka iyo taranka.
Wararka caafimaadku waxay sidoo kale tilmaameen in Ramla ay si buuxda labada kelyood shaqada u joojiyeen, taasoo ka dhigan in ay u baahan doonto sifaynta dhiigga (dialysis) qalliinka ka dib. Raxma iyaduna waxay qabtay cillad ku timid kelida bidix oo aan shaqaynayn, halka kelida midig ay ku jireen finan biyo leh balse ay shaqaynaysay.
Inkasta oo markii hore qalliinkan guushiisa lagu qiyaasay 40 boqolkiiba sababo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee mataanaha, haddana dhakhaatiirta ayaa ugu dambayn ku guulaystay inay si nabad ah u kala saaraan labada gabdhood.
Raxma iyo Ramla ayaa noqday mataanihii 68-aad ee isku dhegganaa ee lagu kala saaro Barnaamijka Sacuudiga ee kala-jarista mataanaha, kaas oo la aasaasay ku dhowaad 35 sano ka hor, isla markaana ka mid ah barnaamijyada caafimaad ee ugu caansan ee dunida.








