Khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Iiraan iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ayaa weli saamayn ku leh gobolka Khaliijka, iyadoo Iiraan ay sii waddo weerarro gantaallo baalistig ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ah oo ay ku beegsanayso dalal ka tirsan gobolka, kuwaas oo ay ku sheegtay inay jawaab u yihiin weerarro lagu qaaday dhulkeeda.
Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa hore u shaacisay inay beegsatay 27 saldhig oo Maraykan ah oo ku yaalla gobolka, iyo sidoo kale bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Israa’iil, taas oo qayb ka ah mowjad cusub oo weerarro gantaallo iyo drones ah.
Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa Axaddii maanta ku dhawaaqday in 3 qof ay ku dhinteen, halka 58 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro gantaallo iyo kuwo cirka ah oo ay Iiraan ku qaaday dalkaas, kuwaas oo qayb ka ah weerarro goboleed oo ballaaran.
Bayaan lagu daabacay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in saddexda qof ee dhintay ay kala dhasheen dalalka Pakistan, Nepal iyo Bangladesh. Sidoo kale, 58 qof oo kale oo dhaawacmay ayaa la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo fudud, kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo dad deggenaa dalka oo ka kala socday 15 jinsiyadood.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in nidaamyada difaaca cirka ee dalka ay tan iyo Sabtidii shalay la socdeen 165 gantaal oo baalistig ah oo loo soo ganay Imaaraadka, kuwaas oo 152 ka mid ah la burburiyay, halka 13 kalena ay ku dhaceen biyaha badda. Sidoo kale, laba gantaal oo nooca cruise-ka ah ayaa la qabtay lana burburiyay.
Dhanka diyaaradaha drones-ka ah, wasaaraddu waxay sheegtay in la arkay 541 drone oo Iiraan soo dirtay, kuwaas oo 506 ka mid ah la soo riday. 35 drone ayaa ku dhacay gudaha dalka, iyadoo 21 ka mid ahi ay ku dhaceen bartilmaameedyo rayid ah, taas oo sababtay khasaare hantiyeed oo lagu tilmaamay mid u dhexeeya fudud iyo dhexdhexaad.
Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa adkaysay in nidaamyada difaaca cirka ay si hufan uga hortageen weerarrada, inkastoo qaybo ka mid ah burburka iyo qashinka gantaallada la soo riday ay ku dhaceen meelo kala duwan, taas oo keentay waxyeello xaddidan balse aan sababin khasaaaro naf oo dheeraad ah.








