Ra`iisal wasaare Kheyre oo la kulmay guddiga qaban qaabada xuska todobaadka xoriyadda

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee Todobaadka xoriyadda iyo midnimada ee 26-ka June iyo 1da July.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa  guddiga ka dhageystay warbixin la xariirta hannaanka ay ugu diyaar garoobeen weyneynta munaasabadaha soo socda ee lagu xusayo sanad guurada 60-aad.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddiga ku bogaadiyay inay dardargeliyaan howlaha baaxadda leh ee horyaalla.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *