Home Wararka Maanta Waa Imisa Dhaqaalaha Ku Baxaaya Dib U dhiska Qaza ee Israil Burburisay?

Waa Imisa Dhaqaalaha Ku Baxaaya Dib U dhiska Qaza ee Israil Burburisay?

0

Dib u dhiska Dhismayaasha Marinka Qasa ee ku burburay Dagaalka Xamaas iyo Israel ayaa waxaa lagu qiyaasay inay ku bixi doonto lacag dhan 30 ilaa 40 Bilyan oo Dollar.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM  Abdallah Al-dardari oo Suxufiyiinta kula hadlay Caasimadda dalka Urdun ee Cammaan waxa uu tilmaamay inuu burbur xoogan soo gaaray Dhismayaasha Marinka Qasa oo uu xusay inuu  yahay burburkii ugu ballaarnaa ee ka dhacay wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad ee Adduunka (Word War II).

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM,  Abdallah Al-dardari waxa uu ku qiyaasay in Duqeymaha iyo Qaraxyada lagu burburiyey Dhismooyinkii Marinka Qasa ay gaarayaan 37 milyan oo tan.

Sarkaalka QM waxa kale uu xusay in 72% Dhismayaashii Marinka Qasa noqdeen kuwo dhamaan burburay iyo qaar qeyb ahaan burburay, waxaana uu dhanka kale xusay inay muddo 14 sano ah qaadan karto sidii ay dadka Reer Falastiin uga soo kaban lahaayeen Dib-u-dhiska Guud ee Deegaanada Marinka Qasa.

Previous articleEdeysanayashii Dilay Wiilka Aradayga ahaa Oo Ugu Danbayn lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here