Caasimadda dalkaasi Indonesia ee Jakarta ayaa laga hirgeliyay ciqaab cusub oo la xiriirta cudurka coronavirus taas oo la marsiinayo dadka diida xirashada maaskada wajiga ee looga hortago cudurkaasi.

Ciqaabtan cusub oo ah in ruuxa la gelinayo sanduuqa dadka dhinta lagu rido ayaa lagu daray liiska ciqaabaha cudurkaasi loo diyaariyay kuwaas oo dadka jabiya shuruucda cudurkaasi loo diyaariyay, waxaana ka mid ah ganaax lacageed, dowladda oo aad si bilaash ah ugu shaqeyso.

Jarcigan oo iminka ka dhaqan galay bariga magaalada Jakarta ayaa ujeedkiisu yahay sidii ruuxa sanduuqaasi gala uu uga fekeri lahaa dhimashada cudurkaasi.

Dalka Indonesia ayaa laga diiwaangeliyay 180 646 oo cudurka coronavirus ah, waxaana uu dilay dad kor u dhaafaya 761 oo ruux.

Abdul Syukur oo ah ninka jira sanduuqa sawirka kore ayaa oo ah ruuxii ugu horreeyay ee sanduuqaasi ciqaabta u galay ayaa sheegay in uu doortay isaga sababo la xiriira in uusan bixin kaarin 17 dollar oo ganaaxa ah ee laga qaadayo ruuxa la qabto isaga oo aah maasko wadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*