Muqdisho ayaa markii ugu horreysay yeelatay shaybaar rasmi ah oo lagu baarayo tayada iyo badqabka biyaha ay isticmaalaan shacabka magaalada, kaddib in ka badan saddex iyo soddon sano oo aysan jirin xarun noocan ah.
Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa sheegtay in shaybaarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, iyadoo lagu ogaan doono in biyaha ceelasha iyo adeegyada biyaha laga helo magaalada ay yihiin kuwo nadiif ah oo la cabi karo.
Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka duqa Muqdisho, Ciise Guure, oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in hirgelinta shaybaarku ay ahayd baahi muddo dheer jirtay, gaar ahaan kadib burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii.
Wuxuu sheegay in sannadihii colaadaha iyo burburka dowladeed ay shirkado iyo dad gaar ah isku xilqaameen bixinta adeegga biyaha, balse aysan jirin awood lagu xaqiijin karo tayada biyahaas.
“Mas’uuliyadda ugu weyn ee naga saaran waa caafimaadka bulshada, biyaha nadiifka ahna waa saldhigga caafimaadka qofka,” ayuu yiri Ciise Guure.
Sida uu sheegay, shaybaarka cusub ayaa awood u yeelan doona inuu baaro biyaha ceelasha, meelaha lagu kaydiyo biyaha iyo tuubooyinka lagu gaarsiiyo shacabka, si loo hubiyo in aysan ku jirin wasakh ama bakteeriya keeni karta cudurro ay ka mid yihiin shuban-biyoodka iyo cudurrada caloosha.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Dawladda Hoose ay kharashkeeda ku hirgelisay shaybaarka, iyadoo iibsatay qalabka loo baahan yahay, shaqaaleysiisay khubaro, isla markaana la shaqaynaysa shirkad ku takhasustay arrimaha biyaha.
Ciise Guure ayaa sheegay in aan ujeeddadu ahayn in caqabad lagu noqdo ganacsatada biyaha, balse ay tahay in la sameeyo nidaam lagu diiwaangelinayo ceelasha, laguna hubinayo tayada biyaha ay bulshada siinayaan.
Wuxuu intaas ku daray in ceel kasta laga qaadi doono xogta goobta uu ku yaallo, iyadoo la adeegsanayo nidaamka GPS, kadibna lagu sameyn doono baaritaanno lagu xaqiijinayo badqabka biyaha.
Dowladda Hoose ayaa sidoo kale sheegtay in shaybaarku uu bilaash ku shaqayn doono, islamarkaana aan shirkadaha iyo ceelasha laga qaadi doonin lacag baaritaan, halka ruqsadaha iyo nidaamyada kale ay yihiin kuwo sharci ahaan horey u jiray.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Muqdisho si weyn ugu soo badanayaan ceelasha gaarka loo leeyahay iyo dhismayaasha dhaadheer, kuwaas oo ay khubaradu hore uga digeen in haddii aan si wanaagsan loo nidaamin ay saameyn ku yeelan karaan badqabka biyaha dhulka hoostiisa.
Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay soo saarto xeerar cusub oo lagu maamulayo adeegga biyaha, si loo xaqiijiyo in shacabka caasimadda ay helaan biyo nadiif ah oo ammaan u ah caafimaadkooda.






