Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ay xoog ku galeen magaaladaasi.

Maleeshiyaadkan aadka u hubaysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weerareen magaalada Balcad oo qiyaastii 30km waqooyiga uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidankaas ayaa la sheegayaa inay markiiba la wareegeen xarumihii dowladda hoose ee magaalada, sida xarunta dhexe ee maamulka iyo saldhiggii booliskaba.

Ciidammada dowladda ee halkaas ku sugnaa oo markii hore iska caabiyay ciidammada weerrarka ahaa ayaa la sheegayaa in markii dambe ay dib uga gurteen daanta ay magaalada ka deggan yihiin ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaar ka mid ah dadka magaaladaasi ayaa sheegaya in bartamaha magaalada ay ku arkayaan maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*