Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkii xerada Turksom

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin oo fashilmay kaas oo ka dhacay bannaanka hore ee xerada ciidamada Turksom ee duleedka magaalada Muqdisho.

Warkan ayay al-Shabaab ka baahiyeen warbaahinta taageerta, waxaana ay sheegeen in uu u dhacay sidii ay qorsheeyeen.

Mid ka mid ah saraakiishii goobta ku sugnaa xilligii uu weerarkani dhacayay oo lagu magacaabo Ismail Mukhtar ayaa warbaahinta u sheegay in ruuxa isqarxiyay uu iska dhigayay mid ka mid ah askarta tababarka u socdo, waxaana lagu fashiliyay bannaanka hore ee xerada.

Markii uu garowsaday in uu fashimay ayuu isqarxiyay, sida uu sarkaalku sheegay waliba isaga oo dhaawac ah, waxaana uu qaraxaasi ku galaaftay nolosha 2 ruux oo shacab ah.

Waa markii ugu horreysay oo weerar lagu qaado xerada tababarka ciidamada ee Turksom oo ay maamusho dowladda Turkiga.

Qofka qaraxa uu ku xirnaa ayaa la rumeysan yahay in uu damacsanaa in uu isku qarxiyo  saraakiil fayl ku jirtay oo loo diyaarinayo tababar dalka Turkiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *