Mas’uuliyinta Soomaalida ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa VOA u sheegay in ilaa afar askari oo Soomaali ah ay ku dhinteen weerar ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen degaanka Janaa Cabdalle.

Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey saldhigga, inkastoo ciidamada ay rasaas rideen ayna isku dayeen inay qarxiyaan.

Dhinaca kale, milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in askari Maraykan ah maanta lagu dhaawacay weerar ka dhacay degaanka Janaa Cabdalle.

Gaashaanle sare Christopher Karns oo u hadlay ciidamada milatariga Afrika ayaa VOA Somali u sheegay in weerarkaas uu dhacay xilli ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ay ku jireen hawlgal ahaa talosiin iyo taageero, waxaana weerarka ay Al-Shabaab u adeegsadeen ayuu sheegay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo hoobiye.

Christopher Karns waxa uu sheegay in askarigaas xaaladdiisu ay deggan tahay, lana daweynayo dhaawaca soo gaarayna aanu ahayn mid halis ku ah naftiisa.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay weerarkaas.

Deegaanka Janaa Cabdalle ayaa Al-Shabaab u aheyd deegaan ay ku qaadaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan baabuurta ganacsiga ee isku xira Soomaaliya iyo Kenya, waxaana in ay degaankaas waayaan u tahay dib u dhac weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*